Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa khudbad goor dhoweyd ka jeediyey shirka madaxa Maamul Goboleedyada ee iminka ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Deni oo si weyn u amaanay maamulka Galmudug sida shirka u qabanqaabiyey iyo soo dhoweynta ay u muujiyeen, wuxuuna ku kaftamay in Galmudug ay ahayd halkii Federaalka Soomaaliya lugta looga jiidayey.
“Nidaamka Fedreaaliga ah maaha wax dadka kala geynaya, waa shaqadii oo la kala qeybsaday, loguna adeeganayo Bulshada.. Waxaan ku faraxsanahay kaftankaba aan ku daree meeshii Feeraalka lugta laga heyn jiray ayaan maanta fadhinaa, waana horumar weyn oo la gaaray, taasi waxay daliil u tahay in dalka Soomaaiya inuu 30 sano gadaal ka tuuray, anaguna waan aqbalnay, waana taagerayaa..” ayaa ka mid ahaa khudbadii Siciid C/llaahi Deni.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Soomaali kala shakisan tahay, loona baahan yahay in looga gudbo wadatashi, wuxuuna caddeeyay inay doonayaan Doorasho dhacda, si nabad ku dhacdo, natiijo lagu qanacsan yahay ka soo baxdo, dalkuna marxalad labaad ugu gudbo. Isagoo raaciyey: “Doorashada quruxda badan ee qof iyo cod waa gaari doonaa, laakiin maanta ma bilna, wixii aan ka badin weyno aan ka tashano, wixii aad heysatid waa la iimaansadaa hadba wixii aan kari karno”
