Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay wareegto ciidamada Mareykanka ka qaadeysa waajin ahaa inay shaaciyaan tirada qasaaraha ay geystaan duqeynta cirka ee diyaaradaha Drone-ka ay ka geysteen dunida dacaladeeda.
Wareegtada Trump ayaa meesha ka saareysaa wareegto uu hore madaxweyne Barack Obama u soo saaray sanadkii 2016kii oo qeyb ka aheyd dadaal la doonayay in howlgaladda ciidamada Mareykanka gaar ahaan duqeymaha ay fuliyaan Dayuuradaha Droneska ay noqdaan kuwo daah furan, gaar haaan goobaha colaadaha ka jiraan.
Trump ayaa wareegtadan laalay shalay sida uu shaaciyay Aqalka cad. Wareegtada ayaa lagu yiri “shacigan uu saxiixay Obama ayaa ka doonaya ciidamadeena kuna qasbaya inay soo wariyaan qasaaraha ka dhasha duqeynta. Mana aha mid wax weyn soo kordhinaya ee waa mid ka jeedinaya xirfadlayaasheena dhinaca sirdoonka inay howshooda qabsadaan.”
Wareegtadan ayaa fareysay bahda sirdoonka Mareykanka inay soo bandhigaan sanad walba 1da bisha May inay soo gudbiyaan –warbixin aan la shaacin oo kooban oo ku aadan tirada weerada cirka ee la fuliyay, meelaha lala beegsaday iyo qasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah.
Meelaha uu Mareykanka weerarada cirka ah uu ka geysto waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yemen Afghanistan, xuduudda Pakistan, iyo dalal kale oo ku yaala Bariga Dhexe.
Soomaaliya oo kaliya, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM dayuuradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa ka fuliyay Soomaaliya 35 werar sanadkii 2017, kii horeeyay waxey fuliyeen 47 weerarar.
Sanadki tagay ee 2018ka, wuxu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ilaa iyo 50 weerar oo dhinaca cirka ah, halka dhowrka bilood ee sanadkan 2019ka uu fuliyay 23 weerar.
Mareykanka ayaa sheegay in weeraradaa ay ku dileen boqolaal Maleeshiyada ururka al-shabab ah, laba ka mid ah hogaamiyeyaashoodii ugu sareeyay, saraakiil iyo xubno argagixiso shisheeye ah.