Thursday, July 17, 2025

Madaxweyne Trump oo arrin aan la fileyn darteed u joojiyey Booqashadii uu ku tegi lahaa UK [Akhriso]

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqashadii la sii qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa UK bisha Feebaraayo, wuxuuna sheegay in uusan “taageeraysanayn” safaaradda cusub ee Maraykanku uu ka dhistay London, taasoo la qorsheeyay in uu isagu furo.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayay in uu furo safaaradan cusub oo ay ku baxday hal bilyan oo doolar, taas oo uu qorshaheeda lahaa madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama, Trump ayaana ku tilmaamay “in fikraddaasi ay ahayd mid xun”.

Hadda waxaa laga yabaa in munaasabadda furitaanka uu ka qaybgalo wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson badalkii madaxweyne Trump. Trump ayaa aqbalay casuumaad ay u fidisay boqoradda Ingiriiska ka dib markii Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ay booqasho rasmi ah ku tagtay Maraykanka sannadkii hore.

Mr Trump was due to officially open the new US embassy in London (pictured). The Mail understands this role will now be performed by Secretary of State Rex Tillerson
Dhismaha safaaradda cusub ee Mareykanka- London

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa diiday in uu  ka hadlo baajinta booqashada Trump ee UK. Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray in uusan ku faraxsanayn in maamulkii Obama uu gaday safaaraddii hore ee Maraykanka ayna ku badasheen “laws”.

Xafiiska Ra’iisulwasaaruhu uu qorshaynayo in booqashadaas loo wareejiyo dhammaadka sannadkan, si Trump uu markaas xariga uga jaro dhismaha boqoradda ee Buckingham Palace.

Donald Trump cancels his visit to Britain

Safaaradda cusub ee Mareykanka ka dhistay London ayaa waxaa ku baxday lacag dhan  £750m (1.2) Bilyan oo doolar, waxayna noqotay mid uu Trump u sabab u dhigto joojinta socdaalkiisii dalka Ingiriiska oo markii hore dad badan ay ka horjeedeen.

Laakiin wali ma jirto maalin khaas ah oo la calaamadiyay, Maraykankuna sidoo kale wali ma uusan calaamadinin taariikhda booqashadaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON