Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Trump oo go’aan yaab leh ka qaatay khilaafka Qatar iyo dalalka Khaliijka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa go’aan cusub oo yaab leh ka qaatay khilaafka lka taagan Khaliijka, isagoo  sheegay in u doonayo  inuu dhexdhexaadiyo xiisadda ka dhex aloosan dawladda Qatar iyo dalalka ay deriska yihiin ee Carbeed.

Xulafo uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa xiriirkii u jaray Qatar bishii Juunyo. Waxaana madaxweynaha Mareykanka uu xiiligaasi la saftay isbaheysiga Sacuudiga, isagoo sheegay in Qatar ay taageerto argagixisada. laakiin waxaa go’aankaasi mid ka duwan qaatay xoghayeyaasha arrimaha dibada iyo difaaca Mareykanka.

Dalalkaasi waxay sheegeen in ay arrintaas u cuskadeen in Qatar ay taageerto kooxaha argagixisada ah, dawladda Qatar ayaase si wayn u beenisay eedaymahaas, taas baddalkeedana waxay ku dooday in ay door muhiim ka ah ka ciyaarto la dagaalanka argagixisada.

Trump ayaa sheegay in uu u arkay in haddii uu gacan ku yeesho “ay durba heshiin lahaayeen” dalalkan Carbeed. Waxayna arrintan ahayd isbedel weyn oo ku dhacay Trump.

Hadalkaas ayuu madaxweynuhu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo boqorka Kuwayd, Sheekh Sabaax al- Axmed al-Jaabir al-Sabax oo sheegay in uu rajo wayn ka qabo in Maraykanku uu gacan ka gaysan doono xallinta khilaafkan soo kala dhexgalay dalalkan Carbeed ee Khaliijka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON