Saturday, July 5, 2025

Madaxweyne Trump oo ka noqday taageeradii Sacuudiga ee Kiiska Dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka noqday taageeradii uu xalay siiyey Boqortooyada Sacuudiga Warkii ay kasoo saartay dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi oo lagu sheegay inuu ku dhintay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul kadib dagaal dhex maray koox Sacuudiyiin ah.

Trump ayaa xalay soo dhoweeyay go’aanada  kasoo baxay Sacuudiga ee Sacuudigu ku qirtay dilka saxafiga, wuxuuna sheegay inuu ku qancay tallaabooyinka hore ee ay qaaday boqortooyada Sacuudiga. balse caawa ayuu sheegay inuusan raali ka ahayn mowqifka Sacuudiga ka qaatay dilka Jamal Kashoqgi.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Mareykanka in warbixin dhammeystiran ay heli doonaan Talaadada oo ku saabsan xaalada dilka saxafiga, isaguna uu la jadli doono Boqorka iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga, wuxuuna caddeeyay inaan weli la ogeyn halkii uu ku dambeeyay meydka saxafiga.

Isbedelka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kadib markii senatoorada Mareykanka ay waxba kama jiraan ku tilmaameen fasirka ay bixisay Sacuudiga, waxaana cadaadis lagu saarayaa in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON