Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Trump oo kashifay xiriirka sirta ah ee u dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Israa’iil

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale difaacay Boqortooyada Sacuudiga, isagoo sheegay in wax kastoo dhaca iyo kiiska dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi uu Sacuudigu ahaan doono dal aad mihiim ugu ah danaha Mareykanka.

Madaxweyne Trump oo caawa saxaafadda  la hadlay ayaa mar kale sheegay in warbixinta CIA-da Mareykanka ee dilkii Saxafiga Jamal Kashoqgi aanay ku caddeyn inuu dilka ka danbeeyay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, suuragalna ay tahay in laga fahmo, wuxuuna saxaafadda dalkiisa ku eedeeyay inay warar khaldan ka qortay arrintan.

Trump ayaa markii ugu horeysay kashifay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Sacuudiga iyo Isra’iil, wuxuuna sheegay haddii aanu Sacuudiga ahaan lahayn in Israa’iil ay xaalad halis ah ku jiri lahayd, meeshana ka bixi lahayd, sida uu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Sacuudiga loogu baahan yahay ayna muhiim u tahay jiritaanka Israa’iil, isagoo sii raaciyey, in dano badan uga xiran yihiin Boqortooyada Sacuudiga.

Arrintan ayaa sii xoojineysa shakiga hore looga qabay xiriirka qarsoodiga ah ee Sacuudiga iyo Israa’iil, oo isla wada qorsha la baxay heshiiskii Qarniga, kaasoo weli la qarinayo, laguna wado in Israa’iil loo sharciyeeyo dhulka Falastiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON