Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay inuu la noqday xayiraadii Mareykanku kusoo rogay Turkiga

Madaxweyne Donald Trump ayaa caawa ku dhawaaqay inuu Mareykanka qaadayo dhammaan xayiradii dhinaca dhaqaale iyo canshuurkii lagu soo rogay dalka Turkiga.

Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay markii xabad joojin ka dhaqan gashay xuduudka Syriya iyo Turkiga, wuxuuna bogaadiyey sida loo ilaaliyey xabad-joojinta uu ka shaqeeyay Mareyanka, isagoo dhinaca kale caddeeyay in wax dagaal ah aanu dhicin, lagana baaqsaday dhiig daata.

“Dowladda Turkey waxay noo sheegtay inay joojineyso dagaalkii iyo howl-galkii waqooyiga Syria, waxayna xabad-joojinta ka dhigtay mid joogto ah, sidaas darteed, waxaan ku amray xoghayaha maaliyadda inuu qaado dhammaan xayiraadihii Turkiga lagu soo rogay 14-kii October” Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Ad

Heshiiskii Mareykanka iyo Turkiga ee xabbad joojinta oo 5 maalmood ahaa ayaa dhammaaday, laakiin wuxuu Turkigu heshiis cusub la galay Ruushka, kaasoo maanta bilowday, waxaana Madaxweyne Trump culeys weyn ka soo wajahay mudanayaasha labada Xisbi ee Koongareeska oo si weyn uga hor yimid ciidamada Mareykanka ee laga saaray Waqooyiga Syria.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON