Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si jeesjees ah u weerarray haweeneyda asalkeedu yahay Soomaali ee ka mida Koongareeska Mareykanka xilli uu khudbad u jeedinayey kulan soo qabanqaabiyeen isbaheysi ay leeyihiin Yuhuudda ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.
Isagoo khudbad ka jeediyey shirka Isbaheysiga Republican Jewish Coalition magaalada Las Vegas ayuu madaxweyne Donald Trump hadalkiisa kusoo qaaday Ilhan Omar oo dhowaan eedeyn u jeedisay siyaasiyiinta Mareykanka ee tageera Israa’iil.
Madaxweyne Trump ayaa hadalkiisa ku bilaabay inuu u mahadceliyo xildhibannada xisbiga Jamhuuriga oo magacyadooda halkaasi ka sheego, waxaase la yaab leh inuu u mahadceliyey Ilhan Omar isagoo yiri:
“Waxaan kaloo u mahadcelinayaa xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doooto Minnesota.. Oh.. oh .. waan iloobay iyadu ma jecla Israa’iil.. Waan iloobay … waan ka xumyhay … Oh. Oh .. maya.. iyadu ma jecla Israa’iil, miyey jeceshahay? oh.. Waan ka cudurdaaranayaa..” ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Weerarka cusub ee madaxweyne Trump ku qaaday Ilhaan Omar ayaa imaanaya iyadoo magaalada New York lagu xiray nin taageere u ah Trump oo ugu hanjabay Ilhaan Omar inuu dili doono, isagoo telefoon u diray una sheegay inay ka mid tahay ururka Ikhwaanul Muslimiin.