Thursday, March 28, 2024

Madaxweyne Trump oo lagu helay Fadeexad ku saabsan inuu qortay Warqad ku saabsan xaaladiisa Caafimaad

Dhakhtarkii hore ee madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan qorin waraaqdii caddaynaysay xaaladda cafimaad ee Trump sannadkii 2015kii, markaas oo uu ahaa murashaxa xisbiga Jamhuuriga. Waraaqdaas ayaa lagu qoray “in ay aad u wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad,” sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

“Trump” ayaa yeeriyay dhammaan waxa lagu qoray waraaqda,” ayuu Dr Harold Bornstein u sheegay telefishinka CNN Talaadadii.. Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaan wali ka jawaabin eedaymaha loo soo jeediyay madaxweynaha.

Bornstein ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu “ay hawlgal ka fulisay” xafiisyadiisa bishii Feebaraayo ee 2017kii, ayna kala tagtay dhammaan macluumaadkii ku saabsanaa caafimaadka madaxweynaha.

Ad

Kanye West oo tilmaamay in addoonsigu uu istikhiyaar ahaa Afar arrimood oo ay wadaagaan Buhari iyo Trump Waraysi uu Bornstein siiyay telefeshinka CNN ayuu ku sheegay in waraaqdii la qoray sannadkii 2015kii ee sheegaysay in Trump uu noqon doono “Shaqsigii ugu caafimaad badnaa ee abid madaxweynenimo loo doorto” aysan ku imaanin qiimayn uu sameeyay isaga oo adeegsanaya xirfaddiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON