Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Trump oo loo sharciyeeyay Go’aankii uu dalkiisa uga mamnuucay dalal ay Somalia ka mid tahay

Maxkamadd sare ee Mareykanka ayaa taageertay amarkii madaxweyne Trump oo dalka Mareykanka uu kaga mamnuucay inay tagaan dadka kasoo jeeda shan dal oo muslim ah oo ay Soomaaliya ka md tahay.

Go’aanka maxkamadda oo ahaa mid si dirqi ah lagu gaaray oo ay taageereen 5 ka mida 9-ka garsoode ee maxkamadda ayaa u xukuntay madaxweyne Trump inuu sharciga Socdaalka Mareykanka uu awood u siinayo inuu xadido safarka dadka ajnabiga ah, sababo la xiriira xagga amniga, sida maamulka Trump uu hore ugu dooday.

Xaakimka ugu sareeya Maxkamadda sare ee Mareykanka  John Roberts ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si sharci ku jiro u adeegsaday ikhtiyaarka uu siinayo sharciga socdaalka, si dadka ajnabiga ah uu uga hakiyo inay soo galaan dalka Mareykanka.

Roberts ayaa sidoo caddeeyay in madaxweynaha uu si aan shaki ku jirin u buuxiyey wixii looga baahnaa ee sharciga ah ee uu ku bartilmaameedsanayo dadka aan Mareykanka u dhalan, ee halista ku noqon kara danaha Mareykanka.

Shanta dal ee Madaxweyne Trump uu ka mamnuucay inay dalka Mareykanka galaan aya kala ah: Soomaaliya, Iran, Libya, Syria iyo Yemen, oo dhammaantood ah dalal muslim ah, waxaan laga reebay Ciraaq markii ay si weyn uga hor timid go’aanka Trump oo ay ugu hanjabtay inay dalkeeda ka joojineyso imaanshaha Ciraaq.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON