Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Trump oo si lama filaan ah shaqadii uga eryay La-taliyihiisii Amniga ee xag-jirka ahaa..

Madaxweynaha Mareykanka Donald Tump ayaa si lama filaan ah xilkii uga qaaday la-taliyihiisii dhinaca Amniga John Bolton, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Trump ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu u sheegay John Bolton inaan shaqadiisa looga baahneyn Aqalka Cad, ayna isku qabteen arrimo badan oo ay ku kala aragti duwanaadeen, isagoo weydiisay inuu xilka iska casilo, wuxuuna intaas ku daray Madaxweyne Trump inuu maanta istiqaaladiisau soo gudbiyey la-taliyihiisii hore ee dhinaca Amniga John Bolton, isla markaana uu dhowaan soo magacaabi doono la-taliye cusub oo dhinaca Amniga ah.

John Bolton ayaa ahaa siyaasi xag jir ah oo u ololeeya inuu Mareykanku awood u adeegsado dhibaatooyinka soo wajaha, waxaana loo arkayey inuu olole ugu jira dagaal uu Mareykanku ku qaado dalka Iiraan, waxaana xil ka qaadistan ay meesha ka saareysaa awoodii ay kooxaha Midigta ee Jamhuuriga ku lahaayeen Madaxweyne Trump.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON