Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tiray qaar ka mid ah fariimihii uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu ku taageerayay musharaxii doorashada looga adkaaday gobolka Alabama.
“Taageerada Luther Strange ayaa sare u kacday doorashada Alabama tan iyo intii aan taageeray,” ayuu Mr Trump mar ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Madaxwayne Trump ayaa si wayn ugu ololeeynayay Mr Strange,balse doorashada waxa uga adkaaday Roy Moore. Guusha lama filaanka ahayd ayaa waxaa la yaabay dadka Mareykanka.
Mid ka mid ah qoraalada Twitter-ka ee imika la tiray ayaa waxa uu ku yiri ” Mr Strange hoos idinma dhigi doono!” waxaa sidaasi laga soo xigtay barta ProPublica,oo kaydisa fariimaha uu Twitter-ka ku soo qoro Mr Trump.
Qoraal kale oo uu bartiisa Twitterka soo dhigay mr Trump ayaa waxa uu ku sheegay “u codee maanta ninka wayn oo ah Mr Luther'”.
Dadka siyaasada Mareykanka ka faalooda ayaa ku tilmaamay mid wajigabax ku ah madaxwayne Trump in doorashada is reebreebka xisbiga Jamhuuriga looga adkaato musharaxii uu taageeray.