Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Trump oo War yaab leh kasoo saaray Weerarkii New Zealand ee Muslimiinta lagu laayey [Akhriso]

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ugu danbeyn ka hadlay, warka nasoo saaray dadkii muslimiinta ahaa ee lagu laayey laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kadib markii uu saacado ka aamusnaa.

Trump ayaa qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka, wuxuuna ku yiri: “Weuxuu dareenkeyga la jiraa dadka New Zealand, kadib markii xasuuq ba;an uu ka dhacay Masjid. 49 qof ayaa si arxsan darro ah u dhintay.. dad badanna dhaawacyo culus ayaa gaaray.. Mareykanka wuxuu garab taagan yahay New Zealand wax waliba oo aan sameyn karno… Allaha idin barakeeyo dhammaantiin..”

Qoraalka Trump ayaan lagu soo hadal qaadin dadka dhintay, isla markaana aan haba yaraatee lagu xusin kuwii falkaasi geystay in argagixiso lagu sheego iska daaye.., waxaaana ninka falka geystay oo ah caddaanka cunsuriyaddu madax martay oo bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu Trump u arko qof isaga metela.

Madaxda caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay weerarka, iyagoo waxa dhacay ku tilmaamay argagixiso iyo tallaabo naceyb ah oo arxan darro ah, laakiin madaxweyne Trump oo taageero ka hela caddaanka dadka kale iskala weyn ee cunsuiriyiinta ah, wuxuu gebi ahaan ka gaabsaday inuu soo hadal qaado muslimiinta la laayey oo magacooda ku sheego ama kuwa dilka geystay uu cambaareeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON