Maamulka Galmudug ayaa iskiis ugu dhawaaqday inuu fashilmay shirkii Wadatashiga ee madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ee ka socday magaalada Garowe.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu caddeeyay in madaxda dowladda Federaalka ay diideen inay ixtiraamaan heshiiska Jabuuti ee dhex maray Galmudug iyo Maamulkii Ahlusuna, isla markaana ay xagal daacisay ajendayaashii shirka looga hadli lahaa sida Sharciga Doorashooyinka, Xeerka Batroolka iyo Dib u eegista Dastuurka.
Qoraalka Xaaf ayaa ku eedeeyay hoggaanka dowladda inuusan dooneynin wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si looga heshiiyo arrimaha Masiiriga ah mustaqbalka dhismaha Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
