Thursday, April 18, 2024

Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso & Faafaahin laga helay Qasaaraha ka dhashay…

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheega inuu Qarax saaka ka dhacay magaaladaasi, siiba halka laga galo xarunta Maxkamadda Darajada koowaad xarunta ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari uu leeyahay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari Muadne Abuukar C/naasir, iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 qof oo gaariga la socday iyo dad goobta ka dhowaa, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay ka mida taliyaha ciidanka ilaalada maxkamadda iyo shaqaale ka tirsan maxkamadda, waxayna wararku sheegayaan in qaarkood dhaawacoodu halis yahay.

Guddoomiyaha maxkamadda ee Gaarigiisa la qarxiyey ayaa la sheegay inuu ku sugan magaalada Garoowe, waxaana Gaariga ku qaraxday miino loo dhigay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaase qaraxyada noocaasi ah Boosaaso ka geysta kooxda Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON