Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Xaaf oo shaaciyey inay Beesha Caalamka ku Dacweeyeen Madaxda Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegay iyo magaalada Nairobi oo uu sheegay in si aan la qorsheyn ay isugu arkeen madaxda dowlad Goboleedyada.

Xaaf oo maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in wakiilada beesha caalamka ay la wadaageen khilaafka dhex yaalla dowladda Federaalka, arrintaasina lagu wada mashquulsan yahay, sida uu yiri.

“Anagu Shir meesha kuma lahayn ee nin waliba gaar ayuu ku yimid.. laakiin si aan la qorsheyn ayaan u kullanay., waanan shirnay, waxaa caddaatay in dowladda Federaalka aan wax war ah laga heynin..” ayuu yiri Xaaf oo Dhuusamareeb kula hadlay saxaafadda.

Wuxuu sheegay in shirkii madaxda maamul Goboleedyada ee Garowe uu dhici doono 10-ka bishan Oktoobar, isla markaana aanu jirin wax iska bedelay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON