Wednesday, July 9, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caddeeyay Mowqifkiisa Xil ka qaadista C/casiis Lafta-gareen

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha K/Galbeed ee lagu doonayo in xilka looga qaado oo muddooyinkan la sheegay inuu ka socday Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay Munaasabad xalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ayuu sheegay in Dowladda Federaalka iyo dadka Koonfur Galbeed ay ka dhex jirto Nabad, saaxiibtinimo, isla markaana aysan jirin abaabul ay dowladiisa ku wado maamulka K/Galbeed.

Xasan Sheekh ayaa caddeeyay inusan xilligaan jirin abaabul iyo Colaad ay dowladda Soomaaliya la damacsan tahay Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay Madaxda iyo Shacabka Reer Koonfur Galbeed ay u midoobaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatada kajirta degaankooda.

“Waxaan rabaa dadka K/Galbeed inaan u sheego dowladda Federaalka dhinaceeda nabad ayaa ka jirta, saxiibtinimo ayaa idinka jirta. Mas’uuliyad dadkii aad xilka u dhiibateen oo aad wakiilateen ayaa idinka jira. Shar, abaabul iyo colaad idinkama jiraan xaggaas..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Lafta-gareen cabsi kasoo wajahday markii laga adkaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu taageersanaa in dib loo doorto, waxaana shirar ka bilowday Muqdisho ay siyaasiyiin ku kacsan shaaciyeen inay doonayaan in doorasho lagu qabto 6 bilood gudahood.

Digniin kale waxaa Baydhaba kasoo saaray Xildhibaan Mahad C/raxmaan taliyihii hore ee Asluubta oo sheegay in Xamar laga abaabulayo qorsha lagu duminayo maamulka K/Galbeed, taasoo xiisad ku dhalisay maamulka C/casiis Lafta-garen.

Ujeedka ugu weyn ee safarka Xasan Sheekh ayaa ahaa in la qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee K/Galbeed ka dhalatay iyo inuu Lafta-gareen u xaqiijiyo in dhinaciisa aanu abaabul ku wadin oo ay wada-shaqeeyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON