Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii labada Gobol.
Xaflad calan-saar ah oo si weyn loo agaasimay ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia oo lagu xusay 65-guurada ka soo wareegtay xoriyadda Gobollada Koonfurta iyo Midnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasa nSheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana madaxtooyada si qurux badan loogu diyaariyay calansaarka iyo salaan sharafta.
Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid aan hore loo arag oo milgo iyo xusuus gaar ah yeeshay, iyadoo mar kale saaka uu Madaxweynaha tegay taallada Daljirka Dahsoon oo dabaaldeg weyn uu ka dhacay, laguna soo bandhigay dhoolatus ay sameeyeen ciidamada dowladda ee kala duwan.
Diyaaradaha Helikobtarrada ciidamada cirka Soomaaliya ayaa ka qeyb qaatay dabaaldegga 1-da Luulyo, iyadoo dusha sare ee caasimadda heehaabayay, waxaana madaxweynaha iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida maray cutubyad ciidamada, hub xoog leh iyo gaadiidka gaashaaman.
Xuska maalmaha xoriyadd 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo ee sanadkan 2025 ayaa si ka duwanaa sanadihii hore, waxaana lagu soo kordhiyay dabaaldegyo waaweyn, iyadoo shacabka Muqdisho ay wadooyinka ku dabaaldegayee ilaa xalay xilli danbe.
MUUQAALADII XALAY
MUUQAALADII MAANTA















