Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad sharxan xilka ayaa ka hadlay mid ka mida eedeymaha ugu waaweyn ee musharixiinta mucaaradka ay u jeediyeen maamulkiisa.
Arrintan oo ku saabsan bixinta Dhulka danta guud ah oo la siiyo shaqsiyaad ayuu sheegay in arrinta bixinta dhulka aysan waxba ka quseynin madaxtoooyada, wuxuuna intaas ku daray inay u xilsaaran tahay Dowladda Hoose ee Xamar.
Musharax Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inay jiraan Guddiyo heer wasiir ah oo loo sameeyay inay xaqiijiyaan haddii ay jiraan dhul danguud ah oo si sharci darro ah loo bixiyay.
DHAGEYSO
Goobjooge.com