Iyadoo Berri lasoo gabagabeynayo Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda ayaa qodobadda culimada ka dalbanayaan Madaxweynaha waxaa ka mida inuu dalka kusoo rogo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.
Sheekh Xasan Jaamici oo ka mida Guddiga gaara oo arrintan loo saaray ayaa sheegay in Shirka uu madaxweynaha Soomaaliya ka dalbanayo inuu soo saaro Wareegto ku saabsan dhaqangelinta Shareecada islaamka oo dhan.
Sheekha ayaa sheegay in 2009 uu Baarlamaankii KMG ah ansixiyay Shareecada Islaamka, kana rabaan madaxweynaha inuu 24saac ka hor xiritaanka shirka soo saaro Wareegto Madaxweyne oo lagu dhaqan geliyo Shareecada.
Sidoo kale shirka culimada ayaa lagu wadaa in lagu dhiso hay’adda Sare ee culimada Soomaaliyeed oo ka mid noqon doonto Hay’adaha dowladda ee dhinaca diinta ka talo siisa Hay’adaha Dowladda, waxaana soo magacaabi doona Madaxweyne Xasan Sheekh.
