Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii saddexaad uga bilwoday dalka Eritrea, isagoo maanta gaaray magaalada Asmara.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Eritea Isaias Afwerki. Qoraal kooban oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in safarkan uu yahay mid shaqo, isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh uu wada-hadallo ku saabsan xiriirka labada dal la yeelan doono madaxweyne Afwerki.
Waa booqashadii saddexaad ee madaxweynaha ku tago Asmara muddo 10 bilood ah oo uu xilka hayey, waxaana la filayaa inay Eritrea kaalmo milateri siiso dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay gaareen ciidamo cusub oo ay Soomaaliya u tababareyso.
Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo ka badan laba sano. Qeybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu billowday inay dalka kusoo celiso bishii December 2022.