Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo olole Doorasho u tegay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ee xilka sii haya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Socdaalka Xasan Sheekh  ayaa ah olole doorasho oo uu ku doonayo inuu ku kasbano xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Kismaayo, waxayna tani ka dambeysay kadib markii musharixiin uu ka mid yahay Cumar C/rashiid ay booqdeen halkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa ku soo dhoweeyay magaalada si ka duwan socdaalkii Cumar C/rashiid, waxaana la sheegay in maanta magaalada ay ka dhici doonaan kulamo madaxweyne Xasan Sheekh la qaadanayo xildhibaanada labada gole ee lagu doortay magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh ayaa ka carooday hadal ka soo yeeray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo xildhibaanada Kismaayo ku sugan u sheegay in loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo madaxweynaha dalka isagoo ku eedeeyay inuusan lahayn aragti dheer, dalkana u horseeday dibu dhac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON