Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray socdaalkiisii magaalada Beledweyne

Muqdisho 23, December 2015- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka koobanaa labadda gole ee Dowladda federaalka oo mudo seddex maalmood ah ku sugnaa magaaladda Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Maalmahii uu Madaxweynaha ku sugnaa Beledweyn ayaa si guud iyo si gaaar gaar ahba ula kulmayey Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha dega gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa kala hadlayey sidii loo sii adkeyn lahaa heshiiskii dhowaan la dhaxdhigay beelaha walalaha ah ee ku dagaallamay magaaladda Beledweyn iyo in bulshadda gobolka Hiiraan warbixin laga siiyo dhismaha maamulka gobolleedka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan, kulamadaas oo ujeedadoodu ahaayd la-tashiyo iyo in aan u sharaxno dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo qorshuhu yahay in todobaadka soo socda ka furmo magaaladda Jowhar iyo inaan sii xoojino heshiiskii la dhax-dhigay beelahii walaha ahaa ee khilaafka ku dhaxmaray Beledweyn si aysan mar dambe colaad u soo noqon” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan aad iyo aad igu mahad-celinayaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshadda Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyn waanaagsan inoo sameeyey , islamarkaana nala wadaagay dareenkooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey Odayaasha dhaqanka gacantii ay dowladda federaalka ah ku siiyeen in xal laga gaaro khilaafkii dadka walaaha ah ku dhaxmartay Beledweyn.

122345

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON