Saturday, August 13, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Dilka Guddoomiye C/llaahi Waafow

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud War kasoo saaray falka Alshabaab ku qarxisay Guddoomiyihii degmada Marka, isagoo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu C/llaahi Waafow oo ku shahiiday qarax kooxda arxan-laawayaasha ah ee Alshabaab ay maanta ka geysteen magaaladaas, taasoo muujinaysa arxandarrada iyo cadaawadda kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururrada argagaxisada ee caadaystay dhagarta shacabka Soomaaliyeed iyo daadinta dhiiggooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON