Tuesday, November 29, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareegto kusoo saaray Xubnaha loo magacaabay Hay’adda SODMA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto kusoo saaray, isla markaana ansixiyay magacaabidda xubnaha maamulka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA).

Xubnahana ayaa waxa asoo magacaabay Wasiirka Arrimah Gudaha, waxaana dhowaan ansxiyey Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka, iyagoo la wareegi doona howlaha gargaarka iyo maareynta xaaladaha degdegga ah.

“Madaxweynaha oo tixraacaya soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA)” ayaa lagu yiri wareegtada Madaxweynaha.

Ad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye

2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen

- Advertisement -

3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime

4. Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime

5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!