Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh xabsi u diray nin sawir ka qaaday isagoo hurda [DAAWO SAWIRRO]

Ninkii qaaday sawirka madaxweyne Xasan Sheekh oo hurdaya xilli uu booqanayay Saldhigga ciidamada ee Balidoogle ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay sheegayaan warar laga helay madaxtooyada.

Ninkan ayaa ka mid ahaa darawalada shaqaalaha ka ah Balidoogle wuxuuna fursad u helay inuu gaari la raaco madaxweyne Xasan Sheekh iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida gudaha Balidoogle, waxaana sawir selfie ah oo uu baska dhexdiisa ku qaaday ay qabatay Xasan Sheekh oo kursigii uu ku fadhiyay uu ku gam’ay.

Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Faarax ahaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirkaasi isagoo ku kaftamay inuu yahay Laandheere gaari ku ritay madaxweynaha Soomaaliya, laakiin natiijadii arrintaasi ayaa dhalisay in shaqadii laga eryo, xabsigana loo taxaabo.

Xasan Faarax ayaa saacad ka dib bartiisa Facebook ka saaray sawiradii uu soo dhigay ee madaxweynaha oo hurdaya kadib markii cadaadis uga yimid dhinacyo kala duwan, laakiin taasi ma ahayn mid ku filan oo waxay ahayd xilli sawiradii baxeen oo boqolaal jeer la qeybiyay.

Dad badan ayaa ka hadlay madaxweynaha hurdaya xilli uu shaqo ciidan ku socday, waxaana warbaahinta qaarkeeday ka dhigtay dacaayad, laakiin arrintan oo dhan waxay galaafatay ninkan arrinta oo dhan ka dambeeyay ee Kaameradiisu qabatay Xasan Sheekh oo Bas ku dhex hurdaya.

DAAWO SAWIRRO

Xasan Farah
Xasan Faarax: Ninka sawirka qaaday ee ku mutay in shaqada laga eryo, lana xiro

Xasan Farah1 Xasan Farah2

xasan-hurdo

xasan-hurdo1

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON