Saturday, June 28, 2025

Madaxweynihii 2-aad oo Muqdisho u yimid Shirka Wadatashiga Doorashada iyo Dib u dhac laga cabsi…

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafatagareen) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashada.

Lafta-gareen ayaa ah madaxweynihii labaad ee Muqdisho lagu soo dhoweeyo, isagoo ka qeyb galaya Shirka Muqdisho, waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha K/Galbeed oo ka mahad celiyey soo dhoweynta ayaa sheegay inuu Muqdisho ku yimid casuumadda Ra’iisal wasaaraha, isla markaana uu rajo badan ka qabo shirka Wadatashiga guul laga gaaro.

Waxaa lagu wadaa in madaxweyaha Jubbaaland Axmed Madoobe uu maanta yimaado magaalada Muqdisho, halka madaxweynayaasha Puntanad iyo Hirshabelle aan la weli la xaqiijin xilliga ay imaanayaan magaalada Muqdisho.

Waxaa laga cabsi qabaa in shirka oo lagu balansanaa inuu maanta ka furmo Muqdisho uu dib ugu dhaco arrimo farsamo waqti kooban, taasoo ay sabab u tahay imaanshaha madaxda maamul Goboleedyada. Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa ku adkeysanaya inuu shirku galabta ilaa caawa furmi karo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON