Tuesday, July 1, 2025

Madaxweynihii 3-aad ee Jubaland oo looga dhawaaqay Kismaayo & Mucaaradkii oo laba Madaxweyne yeeshay

Waxaa magaalada Kismaayo maanta looga dhawaaqay madaxweyne cusub oo la sheegay in lagu doortay magaaladaasi, kadib doorasho laba dhinac ah oo shalay halkaasi ka dhacday.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo lagu doortay C/Naasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa musharixiinta isbedeldoonka Jubbaland, wuxuuna sheegay inay xildhibaannada Jubbaland u doorteen xilkan, isla markaana uu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland. C/naasir Seeraar ayaa hore u ahaa afhayeenka kooxdii Raaskaambooni ee Axmed Madoobe hoggaamin jiray iyo maamulkii Jubbaland. Waxaa lagu tilmaamaa ninka ugu awood badnaa mucaaradka Axmed Madoobe.

Golihii Isbaheysiga Jubbaland ee mucaaradka ayaa u kala jabay dhinacyo kala duwan oo shalay qeyb ka mida ay doorteen C/rashiid Xiddig, halka maanta ay qeyb kale doorteen C/naasiir Seeraar, waxaana jira xubno kale oo qaatay mowqif dhexdhexaad ah.

Shalay ayaa magaalada Kismaayo dib loogu doortay Axmed Madoobe oo markii saddexaad xilkaas loo dhaariyey, waxaana Doorashooyinka Kismaayo sharci darro ku tilmaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON