Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka Federaalka Soomaaliya.
Fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa la sheegay in lagu dhaarin doono Xildhibaan Xasan Sheekh, sida uu qabo qodobka 64aad ee Dastuurka KMG ah, kaasoo sheegaya in madaxweynaha la doorto markii uu xilka ku wareejiyo madaxweyne kale oo la doortay uu noqon doono xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa Baarlamaanka hor dhigaya dhaqab gelinta qodobkan iyadoo uu Xasan Sheekh noqon doono xildhibaankii 276-aad ee Golaha shacabka.
Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in lagu hor dhaariyo kulanka Baarlamaanka ee beri oo sidoo kale la hor keenayo Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si codka kalsoonida loogu qaado.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa laga soo xigtay inuusan ka fariisan doonin siyaasadda, isla markaana safar muddo kooban ah kadib dib ugu soo laaban doono Muqdisho.
Goobjooge.com