Sunday, July 13, 2025

Madixii Canshuuraha Dekadda Muqdisho oo loo diiday in Damaanad lagu sii daayo, Xubno la xirnaa oo….

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxii Canshuuraha Dekadda  weyn ee Muqdisho Axmed C/llaahi Samow loo diiday in damaanad lagu sii daayo, kadib markii ay xabsi ku jireen muddo.

Waxaa kaloo laga diiday in damaanad lagu sii daayo saddex xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Waaxda Canshuuraha oo hadda ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta loogu diiday damaanadda.

Waxay u suuragashay in Ddamaanad lagu sii daayo laba xubnood oo ka tirsnaa 10 shaqaale oo laga xiray Waaxda Canshuuraha Dekadda, kuwaasoo kala ah:  Nadar Tibaax Maalin oo ah ku-xigeenka Madaxa Canshuuraha iyo Muuse Rooble oo ah Madax qeybeed ka tirsan Waaxda Canshuuraha.

Dacwad musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay madaxda iyo Shaqaalaha ayaa baaritaankeeda socdaa iyadoo Maxkamadda G/Banaadir aanay weli kiiskaasi guda gelin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON