Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukunkii ugu horeeyay ku riday mas’uuliyiin iyo shaqaale dowladeed oo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq iyo lunsi hanti dadweyne.
Warar hordhac ah oo laga helay maxkamadda ayaa sheegay in xukun lagu riday 9 eedeysane oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee dekadda Muqdisho iyo agaasimeyaal ka tirsanaa Wasaaradda Gargaarka ee xukuumadda Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in madixii Canshuuraha Dekadda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, iyadoo sidoo kale ay maxkamadda Gobolka Banadir xukuno kale ka gaartay shaqaalaha waaxda Canshuuraha ee Dekadda Muqdisho.
Faahfaahinta go’aanka maxkamadda Gobolka Banadir oo maanta soo baxay ayaa lagu wadaa in la faafiyo iyadoo fadhiyo kala duwan maxkmadu ka yeelatay kiisaskan oo ah kuwii ugu horeeyay ee ku saabsan musuqa ka jira hay’adaha dowladda.