Sunday, July 13, 2025

Madixii iyo Shaqaalihii Waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho oo Maxkamad lasoo taagay [Sawirro]

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta 29-ka Septembar 2018  u fariisatay dacwad musuqmaasuq ah oo loo heystay 9 eedeysane oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho.

Dacwadan oo loo heystay madaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho Axmed Cabdulaahi Samow iyo shaqaalaha xafiiskaasi ayaa lagu soo eedeeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed, iyadoo si musuq ah u maareeyay hanti ay lahayd Waaxda Canshuuraha Dekadda Magaalada Muqdisho oo ay mas’uul uga ahaayeen dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallim ayaa furay fadhiga maxkamadda iyadoo kiiska dacwadda ay soo jeediyen Xeer ilaalinta guud, isagoo uu ku subnaa  ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ahaa qofka dacadda ku oogayey eedeysanayaasha, iyadoo ay soo xaadireen Qareenada difaacaya eedaysanayaasha.

Kadib dhageysiga dacwadda wuxuu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ku dhawaaqay inay Maxkamaddu ka soo saari doonto Go’aan kiiskan musuqa ah, waxayna maxkamaddu dib kasoo sheegi doontaa  qeybta harsan ee dacwadda.

Waa kiiskii labaad ee la xiriira musuq oo maxkamadda G/Banaadir ay gasho, iyadoo Khamiistii ay maxkamaddu qaaday dacwad musuq ah oo loo heysto agaasime iyo xoghaye ka tirsanaa Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON