Sunday, June 22, 2025

Madixii Qeybta Hagista Diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho oo shaqadii laga eryay [Shaqo joojin ka dhalatay]

Muran ka dhashay shaqo ka eryid lagu sameeyay madaxa qeybta hagista diyaaradaha Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay maanta howlihii shaqo ee Garoonka.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan  qeybta kala hagista diyaaradaha (Marshaalka) ayaa  ku dhaqaaqay shaqo joojin, kadib markii shaqadda laga eryay madixii qeybtaasi ninka lagu magacaabo Farxaan Black.

Wararka ayaa sheegay in arrintan ay timid kadib markii shilal fudud ay ka dhaceen gudaha garoonka, iyadoo laba diyaaradood ay is isku dhaceen, inkastoo shilku ahaa mid fudud, haddana waxaa arrintan eedeeda dusha loo saaray madaxa hagista, waxaana hore u jiray shilal lagu sigtay iyo arrimo kale oo ugu danbeyn keenay in shirkadda Turkiga ee gacanta ku heysa Garoonka Muqdisho Favouri  ay shaqada ka ceyriso Farxaan Black.

Ad

Shaqaalaha qeybta hagista  Garoonka Aadan Cadde oo gaaraya 10 qof ayaa la saftay ninka madaxda u ahaa ee shaqada laga eryay, iyagoo ku dhaqaaqay shaqo joojin, kuna dooday inay shqaada lagu soo celiyo ama ay ka wada tegayaan, waxayna wararku sheegayaan in shirkadda aysan wax debecsanaan ah u muujin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON