Tuesday, July 15, 2025

Mafdac Hoobiye ah oo Caawa ku soo dhacay Magaalada Muqdisho & Qasaare uu geystay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu madfac hoobiye ah ku soo dhacay degmada Wardhiigley.

Hoobiyah ayaa si lama filaan ah ugu habsaday Xaafadda laba dhagax ee degmada Wardhiigley, wuxuuna haleelay Dukaan xaafadaasi ku yaalla, isagoo dhaawacay ilaa afar qof oo goobta ku sugnaa.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo aan la ogeyn goobta laga soo tuurtay iyo cidda ka danbeysay, waxaana dadka degaankaasi ay sheegeen inay maqleen qaraxyo dhowr ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in waxa goobta ka qarxay ay miino ahayd.

Kooxda Alshabaab ayaa inta badan sheegata weerarra hoobiyeyaasha oo lagu bartilmaameedsado xarunta Madaxtooyada. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan madfaca waxyeelada geystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON