Sunday, July 13, 2025

Magaalada Boosaaso oo lagu xiray Odayaal eedeyn u jeediyey xiriirka Imaaraadka & Madaxweyne Puntland Siciid Deni

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in la xiray laba ka mida odayaasha Gobolka Bari, oo dhaliil u jeediyey xukuumadda Puntland ee uuu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni oo xilligan safar qarsoodi ah ugu maqan Imaaraadka Carabta.

Labada Oday oo la kala xiray xalay iyo saaka ayaa lagu kala magacaabaa Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, waxayna xukuumadda Deni eedeeyeen heshiisyo ay la gashay Imaaraadka Carabta oo wax faa’iido ah aan laga dhaxlin.

Odoyaashan waxay sheegeen in ka horjeedaan Heshiiska Shirkadda DP World iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la isla dhex maray in lagu wareejinayo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Qaar ka mida odayasha Gobolka Bari ayaa seegay labada oday lag xiray Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana muddooyinkii dambe xumaa xiriirka Madaxweyne Deni iyo Beelaha Gobolka Bari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON