Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la xoojiyey iyadoo feejignaan la geliyay ciidamada kadib xog ku saabsan weerarro ay qorsheysay Alshabaab oo la sheegay in laga war helay.
Maalmihii ugu danbeeyay aya ciidamo badan lagu arkay wadooyinka, waxaana inta badan la xiraa isu socoka labada dhinac ee loo qeybiyay magaalada oo ah wixii labada dhinac ka xiga Jidka Wadnaha inaysan isu gudbin.
Tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada amniga ayaa wararku sheegayaan inay ka danbeeyeen markii ilo sirdoon ay ku warrameen weerarro Alshabaab ku qorsheysay laba hotel oo ku yaalla Wadadda Maka Almukarama iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dadka Muqdisho ayaa dareemay culeys uga yimid isu socodka magaalada oo ciidamadu ka hor istaagaan iyadoo Wadadda Wadnaha wixii waqooyi iyo galbeed ka xiga loo bixiyay Hirshabeelle.