Thursday, June 26, 2025

Magaalada Muqdisho oo xaafad, xaafad loo kala xiray & Bandow aan la shaacin oo lagu soo rogay [Warbixin]

Magaalada Muqdisho ayaa gashay xayiraad aan hore loo arag iyo maalmihii ug xumaa isu socodka xaafadaha magaalada markii ciidamada amniga ay xaafad, xaafad u kala xireen xilli lagu jiro aakhirkii bisha Ramadaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loo dhigay wadooyinka Muqdisho, waxaana meel waliba taagan Ciidamo baaraya Gaadiidka iyo dadweynaha, isla markaana weydiinaya su’aalo, waxayna ciidamadaasi qaarkood yihiin kuwo aan labis ciidan heysan oo cabsi geliyey dadka shacabka ah.

Isticmaalka wadooyinka ayaa loo diiday Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka, waxaana kaliya  loo ogol yahay dadka u shaqeeya dowladda oo kaliya iyo dadka ajaaniibta ah, halka shacabkii Muqdisho laga xayiray.

Wadooyinka xiran waxaa ka mida dhammaan wadooyinka soo gala Maka-al-mukarama, jidka Warshadaha, meelo ku dhow Isbitaallada Hodan, xataa Taleex, Zoobe, Dan-wadaagta iyo meel kale oo muhiim ah isu socodka gaadiidka caasimadda.

Intii la galay bisha Ramaaan waxaa magaalada Muqdisho ay marti gelisay dilalkii ugu badnaa ee qorsheysan oo lagu laayey in ka badan 60 qof oo nooc kasta leh, laakiin waxaa dhinaca kale aan dhicin qaraxyadii waaweynaa iyo xarumihii ay Alshabaab weerarrada qorsheysan ku geli jireen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay heleen xog ku saabsan weerarro waaweyn  oo Alshabaab u qorsheysay inay ka fuliso xarumo waweyn oo Muqdisho ka mida taasoo keentay in magaalada la kala xiro.

Dadka Muqdisho ayaa qeylo dhaantooda ku soo bandhigay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaham iyadoo aanay weli arrintan ka hadlin mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON