Tuesday, July 1, 2025

Magaalo laga guuray oo khilaaf cusub ka dhex dhalisay Madaxweynaha Turkiga, Mareykanka & Midowga Yurub

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa qaatay mowqif culus oo uu ka qaatay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo jasiirada kala qeybsan ee Qubrus.

Erdogan ayaa taageeray qorshe dib loogu dhisayo magaalo ay ka guureen dadka reer Qubrus ee Giriigga kasoo jeeda. Waxayna arrintan keenay inay si weynu cambaareeyeen madaxda Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub.

Khudbad uu Erdogan ka jeediyey waqooyiga magaalada kala qeybsan ee Nicosia ayaa ku adkeysatay qorshaha uu ku doonayo dib u furista magaalada cidlada noqotay ee Varosha. Waaan magaalada laga dhigayaa magaalo nolol cusub la geliyo oo loo dalxiis tago.

Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee Q/Midoobay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.”

“Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Jasiiradda ayaa u kala qeybsan Jamhuuriyadda Qubrus oo ay maamulaan dad Giriig ah, iyo Jamhuuriyadda Turkish-ka ee Waqooyiga Qubrus, oo ay aqoonsan tahay kaliya Ankara.

Hoggaamiyaha Qubrus-ta Turkish-ka Ersin Tarar, oo ay xulufo yihiin Erdogan, islamarkaana taageera xal laba dal ah intii labada Qubrus la mideyn lahaa, ayaa sheegay in si billow oo ah 3.5 % magaalada Varosha looga saarayo xaaladda militari.

Khudbadda Erdogan ayaa aad uga carreysiisay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub Josep Borrell, oo sheegay in tallaabadaas ay tahay “mid aan la aqbali karin, oo hal dhinac ah.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa durba u jawaabtay, kuna eedeysay Borrell “inuu u dhaqmayo sida afhayeenka iyo ololeeyaha maamulka Qubrusta Giriigga ah.”

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareysay qorshaha Madaxweyne Erdogan, wuxuuna Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallabaadaas “ay si cad u waafaqsaneyn” Qaraarada Golaha Ammaanka Q/M.idoobay

“Dowladda Mareykanka waxay ficillada Qubrusta Turkish-ka ah ee Varosha, ayada oo taageero ka heleyso Turkey, u aragtaa daandaansi, aan la aqbali karin, oo aan la jaanqaadi karin ballan-qaadyadoodii hore ee ahaa inay si wax ku ool ah uga qeyb-galayaan wada-hadallo xal ah,” ayuu yiri Blinken.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON