Lugtii labaad ee Socdaalka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku marayo degaanada maamulka Galmudug ayaa lagu soo kordhiyey magaalooyin hor leh.
Sida ay sheegayaan warar ku dhowdhow wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa sheegaya inuu berri tegi doono magaalada Guriceel ee xarunta ganacsiga Galgaduud, halkaasoo ay gaaren ciidamada ilaalada madaxweyne iyo xubno hordhac u ah wafdiga madaxweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in dadaal loogu jiro sidii madaxweynaha ku booqan lahaa degmada Caabudwaaq, iyadoo weli aan go’aan rasmi ah laga gaarin, waxaana madaxda Galmudug iyo xildhibaannada kasoo jeeda degaankaasi ay olole ugu jiraan xaqiijinta arrintan.
Ma jiraan cid xaqiijisay inuu madaxweyne Farmaajo booqan doono degaano ka baxsan Gobolka Galgaduud, sida magaalada, waxaana la qorsheeyay in socdaal kala loo qabanqaabiyo degaanada maamulka Hirshabeelle.