Ciidamada ammaanka saddex magaalo ayaa la sheegay in heegan sare la geliyay, kadib markii looga digay weerarro Alshabaab damacsan tahay inay ku qaado.
Magaalooyinka Muqdisho, Baydhaba iyo Boosaaso ayaa la sheegay in la geliyay xaalad feejignaan heer sare ah, kadib digniino laga helay hay’adda sirdoonka oo sheegay inay jiraan weerarro ay qorsheysan Alshabaab.
Saddexda magaalo oo ka mida kuwa ugu waaweyn Koomnfurta Soomaaliya ayay hore Alshabaab weerarro uga geystay, waxaana u danbeeyay weerarrkii Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho oo Khamiistii ay ku dhinteen 8 qof.
Ciidamada ammaanka ayaa horeba howlgallo uga waday magaalada Muqdisho, inkastoo aanay taasi baajin weerarro aakhirkii bishan Ramadan ka dhacay magaalada is-miidaamin ahaa, kuwaasoo lagu dilkay ku dhowaad 50 qof.
Goobjooge