Wednesday, June 25, 2025

Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo oo la shaaciyey

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu degaanada maamulkaasi ku  tago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo iminka socdaal ku maraya Puntland.

Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono ayaa waxaa ka mida: Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan inuu sidoo kale tegi doono degmada Caabudwaaq iyo Guriceel, inkastoo maamulka Galmudug aanay  xaqiijin.

Diyaargarowga booqashada Madxweyne Farmaajo ee degaanada Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalad Dhuusareeb, halkaasoo lagu wado in si rasmi ah loogu soo afjaro heshiiska maamullad Ahlu suna iyo Galmudug iyo midowga labada dhinac.

Safarka madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka bilaalan doona magaalada Gaalkacyo oo uu haatan ku sugan yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON