Thursday, June 26, 2025

Magacyada 11 Musharax Madaxweyne oo u heshiiyay Xasan Sheekh (Akhriso qorshe cod isu darsasho ah)

Ku dhowaad toban musharax ayaa ku heshiiyay isbaheysi cod isku wareejin ah oo musharixii cod bata wareegyada ay taageeri doonaan musharixiinta kale.

Qoraal ay wadajir u soo saareen ilaa 10 musharax oo heshiiskan doorasho gaaray ayaa qodobadiisa ka kooban yihiin:

1 – In si dhow loo wada shaqeeyo la iskuna xiro dhamaan howlwadeenada ka shaqeynaya ololaha doorashada ee musharixiinta.

2- In Xildhibaanada qaranka ee taageersan Isbedelka ay isku duubnaadaan iskana war hayaan.

3- In xubnaha musharixinta ku midoobay golahan ay ka shaqeeyaan sidii codka xildhibaanadu uu u xaqiijin lahaa isbedel dhab ah inuu hirgalo, iyadoo si toos ah loo taageerayo musharaxa ugu cod bata ee ka mid ah golahan wareegyada kala duwan ee doorashadu mari doonto.

4- In haddii isbedelku guuleysto mid ka mid ah musharixiinta Golahan uu dhiso dowlad haysata kalsoonida Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Musharixiinta heshiiskan galay waxay kala yihiin:

1- Shariif Sheekh Axmed

2- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

3-  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole

4- Maxamed Cali Nuur Americo

5- Cali Xaaji Warsame

6- Xaaji Maxamed Yaasiin

7-  Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

8- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

9- Saciid Cabdulaahi Dani

10- Cabdulaahi Ciilmooge Xersi

11- Maxamed Axmed Jabarti

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON