Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq oo ah degaan doorashada labaad ee Jubbaland waxaa ay ku qabteen doorashada 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.
1- Kursiga Hop119 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.
2- Kursiga Hop065 ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo hore ugu fadhiyey, waxaa u tanaasulay musharixii la tartamayay ee Aadan Ibraahim Isaaq.
3- Kursiga Hop090 oo ay ku tartameen Xasan Cabdi Axmed & Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin waxaa kusoo baxay Wasiirka Xanaanada Maxamed Aadan Macalin oo hore ugu fadhiyay.
4- Kursiga Hop102 waxaa kusoo baxay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo hore ugu fadhiyay kursiga, waxaa tartanka ka haray Mustaf Maanow Geedi.
5- Kursiga Hop087 waxaa kusoo baxay Aamino Xuseen Cali, markii ay u tanaasushay musharax & Faadumo Ibraahim Cali oo la tartami lahayd.
6- Kursiga Hop216 waxaa kusoo baxay Faarax Macalin Bishaar, waxaa u tanaasulay oo tartanka uga haray musharax Xassan Aadan Xassan.
7- Kursiga Hop116 waxaa kusoo baxday Duniyo Cismaan Yuusuf oo ay tartanka uga hartay Xaawo Khaliif Dubad.
8- Kursiga Hop091 waxaa kusoo baxay Cabdiqaadir Xuseen Cabdi, iyadoo u tanaasulay Musharax Cali Guurre Maxamed.
9- Kursiga HOP117 waxaa kusoo baxay Nuur Axmed Diiriye, kadib doorasho gacantaag ah, markii uu tanaasulay Musharax Maxamed Barre Cali.
10- Kursiga HOP100 waxaa kusoo baxay Baalle Ibraahim Cabdi, iyadoo uu tartanka ka haray Musharax Maxamed Siyaax Aadan.
11- Kursiga HOP078 waxaa kusoo baxay Cabdiqaadir Maxamed Dhaqane, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland ee SEIT.
