Ciidamada Booliska ayaa maanta magaalada Muqdisho ku xiray weriyeyaal ku sugnaa isgoyska KM 4, halkaasoo ay ka tebinayeen bannaanax ay dhigayeen Gaadiidleyda BL-da ee caasimadda oo looga soo horjeeday wadooyinka xiran.
Ciidamada Booliska degmada Hodon oo uu horkacayo taliyahooda ayaa halkaasi ka ururiyey weriyeyaasha, waxaana qaarkood loo geystay jirdil, iyadoo markii dambe lagu qaaday Gaari ay Booliska leeyihiin oo Cabdi bille ah, waxaana falka lagula kacay weriyeyaasha si weyn u cambaareeyay ururrada saxafiyiinta oo dalbaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo.
Weriyeyaasha Boolisku xireen ayaa kala ah:
1. Cali Aadan Muumin (Goobjoog Tv).
2. Axmed Cali Barre Xafaaroow (Universal Tv).
3. yaxye Xaaji Colaad (Goobjoog Tv).
4. Farxaan Maxamed Xuseen (Radio Kulmiye).
5. Yoonis Duraan Cali (Radio Kulmiye).
