Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeeyay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya inay bixisay amarkii lagu xayiray diyaaradii magaalada Beledweyne u qaadi lahayd wafdigii Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in saacado kadib la fasaxay markii ay madaxweynayaashii hore ku xayirnaayeen Garonka Muqdisho, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Amarka lagu celiyay diyaarada Madaxweyneyaasha qaadi lahayd ayaa la sheegay in ay bixisay Hay’adda Nabad Sugida!… Dhowr saacadood oo garoonka diyaaradaha ay ku xayirnaayeen Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif hada ayaa la fasaxay diyaaradii magaalada Beledweyne u qaadi lahayd iyaga iyo wafdigooda oo gargaar u waday shacabka reer Beledweyne ee fatahaadaha wax yeeladu ka soo gaartay..”
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mida xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marar hore ayay dhacday in dad safraya oo Hay’adda Nabad Sugida is hortaag ku sameysay. “Arintaan ayaa ka dhigan dhaqan aan wanaagsanayn oo dowladnimada wax loogu dhimayo soona nooleynaysa dhaqamo xun xun oo dadka Soomaaliyeed ka bogsoodeen..” ayuu ku dooday xlldhibaanka.
Maareeyaha Hay’adda Duulista ayaa beeniyay inuu jiro cid xayirtay diyaaradii qaadi lahayd wafdiga madaxweynayaashii hore ee arrinta dhan ay ahayd xaaladda Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo roob uu ka da’ay.