Thursday, June 4, 2020
More

    SAWIRRO: Diyaaradii siday Wafdigii Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo kusii jeeda Magaalada Beledweyne

    Kadib in ku dhow 4 saacadood oo ku sugnaayeen Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa goor dhoweyd magaalada Beledweyne u duulay wafdi ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

    Wafdigan oo isugu jira xubnaha xisbiyada Madasha Qaran waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka mida madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, xildhibaanno ka tirsan labada Gole, waxaana dib u dhaca safarkooda ay ku eedeyeen inay ka danbeysay dowladda Soomaaliya oo isku dayday inay hor istaagto.

    Ad

    Dhinaca Hay’adda Socdaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in arrinta oo dhan ay ahayd hubinta garoonka magaalada Beledweyne oo uu roob xalay ka da’ay, balse aysan girin wax xayiraad ah oo la saaray diyaaradda qaadi lahayd wafdigan.

    Baraha bulshada ayaa waxaa ka Socda doodo ku saabsan arrintan, waxaana qeyb ka ah xildhibaanno ka mida wafdiga oo eedeymo kala duwan u jeediyey xukuumadda.

    Image may contain: 4 people, people standing and outdoor
    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,314FollowersFollow
    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,314FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN