Monday, July 14, 2025

Mahad Salaad: “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa inaysan u hoggaansamin cago-jugleynta dowlada Kenya”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay muqadas, xitaa haddii lagu kala duwan yahay aragtida siyaasadeed.

Wxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ay ku fashilmeen maareynta siyaasada arimaha dibedda Soomaaliya mudadii labada sano ahayd ee ay xukunka joogeen, iyagoo galau dagaallo siyaasadeed oo qaanada cadowga koobaad ee Soomaaliya lagu galiyay dowlado badan oo saaxiib la ahaa Soomaaliya ka hor 8dii February 2017.

“Sidaasoo ay tahay, waxaa waajib nagu wada ah dhamaanteen in aan meel iska dhigno farqiga siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, una istaagno difaacida midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Sababtoo ah waxa aan ku kala aragti duwanahay waa siyaasada majara habowsan iyo habdhaqanka hoggaanka dalka, lkn dalku waa hanti aan wada leenahay, qof walibana ay waajib ku tahay in uu dhinaciisa ka difaaco..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inaysan u hoggaansamin cadaadiska iyo cago-jugleynta dowlada Kenya, isla markaana aysan gorgortan ka gelin taako dhulkeena kamid ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON