Xildhibaan Maxamed Maxamed Salaad ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saaxiibadiis Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan C/Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug.
“Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa saaxiibadey Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ku dhiiraday, aqbalayna inay xilalkoodii heer federaal uga soo tagaan Galmudug darteed, si loo yagleelo Galmudug toosan, tayeysan, dadkeeduna talo wadaag yihiin..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo amaan u jeediyey Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in dhismaha Golaha Wasiirada Galmudug ay xigi doonto labo tallaabo oo kala ah: Dib-u-xoreynta deegaanada Galmudug ee cadowgu haysto iyo Dib-u-dhiska Dekada Hobyo oo dadka reer Galmudug baahi aad u badan u qabaan.