Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowlada Qatar ay tahay saaxiib weyn oo ay Soomaaliya leedahay.
Kadib kulan uu maanta la yeeshay ergeyga Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar u soo dirtay Soomaaliya ee Dr. Mudlaq Al-qahthani ayuu farriintiisa ku sheegay in dowladda Qatar ay tahay saaxiib qaali ah, isla markaana taageerta horumarka Soomaaliya.
“Waxaan la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq alQahtani waxaan ka wadahadalnay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee socda iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Qatar waa muhiim ah, oo taageerta horumarka Soomaaliya..” ayuu farriintiisa ku yiri Mahdi Guuleed.
Ergeyga dowladda Qatar kulamo iyo shirar kala gaara la yeeshay madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.
