Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed oo Caawa uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Sii-hayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabidiisii ugu horeysay.
Wareegto uu soo saaray Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayuu ku magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo loo magacaabay C/risaaq Xuseen Aadan, waxaana wareegtada lagu baabi’yey magacaabidii hore ee jagada xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Lama oga sida Ku-sime xilal muhiim ah u magacaabi karo, waxaana si xowli ah ku socota qorshe u muuqda inqilaab oo Madaxtooyada ay ku wado Xukuumadii Xasan Kheyre, iyadoo aanu weli wax go’aan ah kasoo bixin Ra’iisal wasaarihii.
